Monday, October 15, 2007

Kulmiye Manifesto (Maanafiistada Kulmiye)
By Bashir Goth
The following lyric is a satirical piece that mirrors the political strategy of Kulmiye Party. It is a parody of the famous folklore lyric “Eddooy Waa Ayo” sung by Awdal women during weddings and festivals. We apologize to the folklore connoisseurs and to women artistes.

Heestan soo socotaa waxay muraayad u tahay hab siyaasadeedka ishaafalatada ah ee xisbiga Kulmiye rabo in uu tartanka doorashayooyinka ku galo dadkana taageero kaga galabsado. Tixdan dhicitaankeeda waxan ka soo jeemanay heesta la yidhaahdo “Eddooy Waa Ayo” ee caanka ku ah Gobolka Awdal ee haweenku ciyaarta kaga boodaan. Waan ka raali gelinaynaa haweenka iyo dadka dhaqanka daneeyaba

ASAL IYO ALOOLA MARYOOD

Aabbaha ummadiyo
Ninkii arrinshaa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Hadduu iishana
Midkaan ulanaa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Aboodiga weyn
Odayga guurtidu
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Udbaha aqalkiyo
Afayeenadu
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Election komishanka
Amiirka wataa
Eddooy waa ayo?

Eddoy waa inaga

Ulaha Koodhkiyo
Abuukaatuhu
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Taliska askartiyo
Abbaanduuluhu
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Sarkaalka Alyee
Bilayska amraa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Gudida la irkaday
Abwaanka wataa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Mujaahid ifiyo
Shahiid aaakhiro
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Ninkii aqlilee
Wanaag arkayaa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Estii dirirtiyo
Afmiinshaaradu
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Nabadda uudkiyo
Dalkeena abyoon
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Kuwii alkumee
Aasaaska u dhigay
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Haddana oloshee
Dadkii eersaday
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Kuwaa ordayee
Ishaafalatada
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Adduun oo idil
Ka soo oriyee
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Abtirsiimada
Awood ku rabaa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Anshaxa kulmiyiyo
Isaaqiyadii
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Raggii asalkii
Meeshay ordayaan
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa inaga

Ninkaan oggolayn
Irdhoonaayaa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa iyaga

Dhankaa UCID iyo
Aaka aakaha
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa iyaga

Amaa UDUB iyo
Allaale wataa
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa iyaga

Ha u iishoo
il ha moodee
Eddooy waa ayo?

Eddooy waa iyaga

Aloola maryood
Allow u gargaar
Eddooy waa ayo?
Eddooy Aamiin.
© 2007 Bashir Goth