Saturday, September 24, 2011

Heestan soo socota “Qaaddirow Allow” waxan tiriyey maalmihii ugu horreeyey ee ay qaylo dhaanta abaarta iyo macaluushu ka soo yeedhay Soomaaliya bishii July bilowgeedii. Haddaba markii aan waayey cid muusig raacisa ayey ila noqotay in aan shucuurta ay wadato la wadaago dadka Soomaaliyeed.

Qaaddirow Allow

Miyaan qulbaa
Maan qayliyaa
Ma qudhaan jaraa
Mise waa qaddare
Lama quusto ee
Wixii lay qoraan
Qaadirka baryaa

Qaaddirow Allow
Qaaddirow Allow
Qayrkay dunida
Aan la qaybsadee
Quudaraynta iyo
Qaxarka iga saar
****
Waxa qaaradaha
Qabno aasan iyo
Qoom walba intii
Loo qoofalee
Loox loogu qoray
**
Ani qaawaniyo
Ciid quusatiyo
Dheri iyo quddaa
Qayb iigu hadhay
Aan quud ku jirin
**
Tani waa qisee
Maxaa lay qadshee
Qirinqiirka iyo
Dadyow qoomamiyo
Qiilqiil i baday
****
Miyaan qulbaa
Maan qayliyaa
Ma qudhaan jaraa
Mise waa qaddare
Lama quusto ee
Wixii lay qoraan
Qaadirka baryaa

Qaaddirow Allow
Qaaddirow Allow
Qayrkay dunida
Aan la qaybsadee
Quudaraynta iyo
Qaxarka iga saar
****
Cirku wuu qirtoo
Wuu qaawan yahay
Ciiddu waa qallayl
Geed qaadhay iyo
Qori baa ku yaal
**
Qorrax iyo dabayl
Dhagaxaan qotoma
Yaa la ii qoroo
Nolol quudashiyo
Qormo la iiga dhigay
**
Tani waa qisee
Qiiq iyo dagaal
Xumo soo qutura
Maxaa igu qodbee
Qoobad iigu xidhay
****
Miyaan qulbaa
Maan qayliyaa
Ma qudhaan jaraa
Mise waa qaddare
Lama quusto ee
Wixii lay qoraan
Qaadirka baryaa

Qaaddirow Allow
Qaaddirow Allow
Qayrkay dunida
Aan la qaybsadee
Quudaraynta iyo
Qaxarka iga saar

- Bashir Sh. Omar Goth, July 12, 2011.

Other lyrics on the plight of Somali mothers by the author:http://www.blohttp://www.blogger.com/img/blank.gifggerhttp://www.blogger.com/img/blank.gif.com/img/blank.gif
1. Eyes Frozen to Sky
2. Spare A Moment
3. Ha Iga Ooyine Aamu